صومالي ژباړه - یعقوب
صومالي ژبې ته د قرآن کریم د معناګانو ژباړه، عبد الله حسن یعقوب ژباړلې ده.
أَلۡهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
1. Waxaa idin shuqliya (dadow) wax badso (iyo isu faanid).
حَتَّىٰ زُرۡتُمُ ٱلۡمَقَابِرَ
2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso).
كَلَّا سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
3. Mayee! Waad ogaan doontaan.
ثُمَّ كَلَّا سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan.
كَلَّا لَوۡ تَعۡلَمُونَ عِلۡمَ ٱلۡيَقِينِ
5. Mayee! haddaad og tihiin ogaansho dhab ah.
لَتَرَوُنَّ ٱلۡجَحِيمَ
6.Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan.
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيۡنَ ٱلۡيَقِينِ
7. Markaas waxaad u ark si yaqiin leh.
ثُمَّ لَتُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
8. Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay).
مشاركة عبر