Header Include

الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

QR Code https://quran.islamcontent.com/91/somali_yacob

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ

1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].

[1]. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.
1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].

قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا

2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا

3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.

3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.

أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا

4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا

5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].

[2].Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].

إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيۡلِ هِيَ أَشَدُّ وَطۡـٔٗا وَأَقۡوَمُ قِيلًا

6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].

[3]. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].

إِنَّ لَكَ فِي ٱلنَّهَارِ سَبۡحٗا طَوِيلٗا

7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.

وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلۡ إِلَيۡهِ تَبۡتِيلٗا

8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.

رَّبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذۡهُ وَكِيلٗا

9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).

وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهۡجُرۡهُمۡ هَجۡرٗا جَمِيلٗا

10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.

وَذَرۡنِي وَٱلۡمُكَذِّبِينَ أُوْلِي ٱلنَّعۡمَةِ وَمَهِّلۡهُمۡ قَلِيلًا

11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.

إِنَّ لَدَيۡنَآ أَنكَالٗا وَجَحِيمٗا

12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.

وَطَعَامٗا ذَا غُصَّةٖ وَعَذَابًا أَلِيمٗا

13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.

يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلۡجِبَالُ كَثِيبٗا مَّهِيلًا

14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ رَسُولٗا شَٰهِدًا عَلَيۡكُمۡ كَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ رَسُولٗا

15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.

فَعَصَىٰ فِرۡعَوۡنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذۡنَٰهُ أَخۡذٗا وَبِيلٗا

16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.

فَكَيۡفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرۡتُمۡ يَوۡمٗا يَجۡعَلُ ٱلۡوِلۡدَٰنَ شِيبًا

17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.

ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرُۢ بِهِۦۚ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَفۡعُولًا

18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.

إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا

19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.

۞ إِنَّ رَبَّكَ يَعۡلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدۡنَىٰ مِن ثُلُثَيِ ٱلَّيۡلِ وَنِصۡفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَۚ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَۚ عَلِمَ أَن لَّن تُحۡصُوهُ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلۡقُرۡءَانِۚ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرۡضَىٰ وَءَاخَرُونَ يَضۡرِبُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَبۡتَغُونَ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَءَاخَرُونَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنۡهُۚ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقۡرِضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗاۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٖ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٗا وَأَعۡظَمَ أَجۡرٗاۚ وَٱسۡتَغۡفِرُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمُۢ

20. Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Footer Include