Header Include

الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

QR Code https://quran.islamcontent.com/91/somali_yacob

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ

1.Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).

وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ

2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).

وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ

3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'

قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ

4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).

ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ

5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.

5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.

إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ

6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).

وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ

7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.

وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ

8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.

ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.

إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ

10. Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ

11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.

إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ

12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.

إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ

13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).

وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ

14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).

ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ

15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.

فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ

16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ

17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ

18. Fircoon iyo Thamuud?

18. Fircoon iyo Thamuud?

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ

19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.

وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ

20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).

بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ

21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ

22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).

Footer Include