الترجمة الصومالية - يعقوب
ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.
وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرۡوٗا
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya. 1
فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرٗا
2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرٗا
3. Iyo doonyaha sida fudud u socda.
فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا
4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٞ
5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) waa run.
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٞ
6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡحُبُكِ
7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
إِنَّكُمۡ لَفِي قَوۡلٖ مُّخۡتَلِفٖ
8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
يُؤۡفَكُ عَنۡهُ مَنۡ أُفِكَ
9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
قُتِلَ ٱلۡخَرَّٰصُونَ
10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي غَمۡرَةٖ سَاهُونَ
11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
يَسۡـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلدِّينِ
12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
يَوۡمَ هُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ يُفۡتَنُونَ
13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
ذُوقُواْ فِتۡنَتَكُمۡ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ
14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
15. Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُحۡسِنِينَ
16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
كَانُواْ قَلِيلٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مَا يَهۡجَعُونَ
17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee (macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka).
وَبِٱلۡأَسۡحَارِ هُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
وَفِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ
19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
وَفِي ٱلۡأَرۡضِ ءَايَٰتٞ لِّلۡمُوقِنِينَ
20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
وَفِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
وَفِي ٱلسَّمَآءِ رِزۡقُكُمۡ وَمَا تُوعَدُونَ
22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِنَّهُۥ لَحَقّٞ مِّثۡلَ مَآ أَنَّكُمۡ تَنطِقُونَ
23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ
24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجۡلٖ سَمِينٖ
26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيۡهِمۡ قَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
فَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
فَأَقۡبَلَتِ ٱمۡرَأَتُهُۥ فِي صَرَّةٖ فَصَكَّتۡ وَجۡهَهَا وَقَالَتۡ عَجُوزٌ عَقِيمٞ
29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
قَالُواْ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ
30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waana Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
۞ قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah2.
لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن طِينٖ
33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ
34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha3.
فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٖ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah4.
وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةٗ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo5 kuwa (mu'miniinta) ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٞ
39. Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama jinnoole.
فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٞ
40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ
41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah6.
مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ
42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale.
وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٖ
43. Reer Thamuudna (calaamaa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٖ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ
45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah.
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٖ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga kuwa waasiciya.
وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ
48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
50. Ee u carara xagga7 Alle, waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ
52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٖ
54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
55. Ee wax waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ
56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan (macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin).
مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٖ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ
57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ
58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبٗا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ
59. Kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxaa u sugnaaday saami (Cadaab ah)la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
60. Hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
مشاركة عبر