الترجمة الصومالية - يعقوب
ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.
لَمۡ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ
1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad.
رَسُولٞ مِّنَ ٱللَّهِ يَتۡلُواْ صُحُفٗا مُّطَهَّرَةٗ
2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah.
فِيهَا كُتُبٞ قَيِّمَةٞ
3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan.
وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ
4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid (waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka).
وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلۡقَيِّمَةِ
5. Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ شَرُّ ٱلۡبَرِيَّةِ
6. Kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ خَيۡرُ ٱلۡبَرِيَّةِ
7. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka.
جَزَآؤُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ رَّضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ رَبَّهُۥ
8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi.
مشاركة عبر