Header Include

索马里语翻译 - 叶孤拜

古兰经索马里语译解,阿布杜拉·哈桑·叶孤拜翻译

QR Code https://quran.islamcontent.com/zh/somali_yacob

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَۖ تَبۡتَغِي مَرۡضَاتَ أَزۡوَٰجِكَۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Allese waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.

1. At-Taxriim: Iska xaaraantinimeyn.
1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Allese waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.

قَدۡ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمۡ تَحِلَّةَ أَيۡمَٰنِكُمۡۚ وَٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ

2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo2. Alle waa gargaarahiin, waana wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.

2. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: akhri Suuradda 5: Aayadda 89
2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo2. Alle waa gargaarahiin, waana wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.

وَإِذۡ أَسَرَّ ٱلنَّبِيُّ إِلَىٰ بَعۡضِ أَزۡوَٰجِهِۦ حَدِيثٗا فَلَمَّا نَبَّأَتۡ بِهِۦ وَأَظۡهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ عَرَّفَ بَعۡضَهُۥ وَأَعۡرَضَ عَنۢ بَعۡضٖۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتۡ مَنۡ أَنۢبَأَكَ هَٰذَاۖ قَالَ نَبَّأَنِيَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡخَبِيرُ

3. (Xusuuso) markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markayse u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, Allena u daahiriyey (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.

إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدۡ صَغَتۡ قُلُوبُكُمَاۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيۡهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوۡلَىٰهُ وَجِبۡرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ

4. Haddaad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Alle u noqotaan (oo toobad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.

عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبۡدِلَهُۥٓ أَزۡوَٰجًا خَيۡرٗا مِّنكُنَّ مُسۡلِمَٰتٖ مُّؤۡمِنَٰتٖ قَٰنِتَٰتٖ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٖ سَٰٓئِحَٰتٖ ثَيِّبَٰتٖ وَأَبۡكَارٗا

5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo toobad keen badan, caabidooyin, soomanooyin3, leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.

3. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Ilaahay (Islaamka).
5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo toobad keen badan, caabidooyin, soomanooyin3, leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَأَهۡلِيكُمۡ نَارٗا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُ عَلَيۡهَا مَلَٰٓئِكَةٌ غِلَاظٞ شِدَادٞ لَّا يَعۡصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ

6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَعۡتَذِرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ تُوبُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ تَوۡبَةٗ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيُدۡخِلَكُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ يَوۡمَ لَا يُخۡزِي ٱللَّهُ ٱلنَّبِيَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥۖ نُورُهُمۡ يَسۡعَىٰ بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۡ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتۡمِمۡ لَنَا نُورَنَا وَٱغۡفِرۡ لَنَآۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U toobad keena Alle toobad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. Adigu wax walba waad Kartaaye.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ جَٰهِدِ ٱلۡكُفَّارَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱغۡلُظۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

9. Nabiyow! La jihaad gaalada (nabad diidka ah) iyo munaafiqiinta, kuna adkow, hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.

ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱمۡرَأَتَ نُوحٖ وَٱمۡرَأَتَ لُوطٖۖ كَانَتَا تَحۡتَ عَبۡدَيۡنِ مِنۡ عِبَادِنَا صَٰلِحَيۡنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمۡ يُغۡنِيَا عَنۡهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَقِيلَ ٱدۡخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ

10. Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Ilaahay. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gala.

4. Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm.
10. Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Ilaahay. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gala.

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱمۡرَأَتَ فِرۡعَوۡنَ إِذۡ قَالَتۡ رَبِّ ٱبۡنِ لِي عِندَكَ بَيۡتٗا فِي ٱلۡجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِن فِرۡعَوۡنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

11. Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta ah.

وَمَرۡيَمَ ٱبۡنَتَ عِمۡرَٰنَ ٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتۡ بِكَلِمَٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتۡ مِنَ ٱلۡقَٰنِتِينَ

12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay (malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.

Footer Include