索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜
《古兰经》含义翻译
阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。
وَٱلضُّحَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay Barqada.
وَٱلَّيۡلِ إِذَا سَجَىٰ
2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
وَلَلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لَّكَ مِنَ ٱلۡأُولَىٰ
4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
وَلَسَوۡفَ يُعۡطِيكَ رَبُّكَ فَتَرۡضَىٰٓ
5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
أَلَمۡ يَجِدۡكَ يَتِيمٗا فَـَٔاوَىٰ
6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
وَوَجَدَكَ ضَآلّٗا فَهَدَىٰ
7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
وَوَجَدَكَ عَآئِلٗا فَأَغۡنَىٰ
8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
فَأَمَّا ٱلۡيَتِيمَ فَلَا تَقۡهَرۡ
9. Ee agoon, ha dhibin.
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنۡهَرۡ
10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
وَأَمَّا بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثۡ
11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).
share_via