Somali translation - Jacob
Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.
أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2.
فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ
4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ
5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ
6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ
7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
مشاركة عبر