Header Include

Somali translation - Jacob

Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.

QR Code https://quran.islamcontent.com/ja/somali_yacob

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).

1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya, haddana xurmadeedda waa sidii hore." Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee. (W.w. Al-Bukhaari)
2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).

وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ

3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)*.

*Fiiro gaar ah: Waxaa kaloo lagu fasiray Aadam iyo durriyadiisa.
3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)*.

لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ

4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ

5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا

6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ

7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ

8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ

9. Iyo carrab iyo labo bishimood?

9. Iyo carrab iyo labo bishimood?

وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ

10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ

11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ

12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?

12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?

فَكُّ رَقَبَةٍ

13. Waa addoon la xoreeyo.

13. Waa addoon la xoreeyo.

أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ

14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ

15. Agoon kuu dhow.

15. Agoon kuu dhow.

أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ

16. Ama miskiin dhulka yaal.

16. Ama miskiin dhulka yaal.

ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ

17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ

18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).

18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ

19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ

20. Waxaa lagu dabooli Naar (dab aan dameyn ah).

20. Waxaa lagu dabooli Naar (dab aan dameyn ah).
Footer Include