Header Include

Somali translation - Jacob

Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.

QR Code https://quran.islamcontent.com/fa/somali_yacob

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ

1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ

2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.

1. Sahal bin Sacad a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey. (W.w. Al-Bukhaari).
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2.

2. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaadda oo aan daaleyn iyo kan soomanaha ah ee aan afurin. (W.w. Al-Bukhaari).
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2.

فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ

4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ

5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).

5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).

ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ

6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.

6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.

وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ

7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).

7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
Footer Include