Somali translation - Jacob
Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.
أَلَمۡ نَشۡرَحۡ لَكَ صَدۡرَكَ
1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
وَوَضَعۡنَا عَنكَ وِزۡرَكَ
2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa,
ٱلَّذِيٓ أَنقَضَ ظَهۡرَكَ
3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
وَرَفَعۡنَا لَكَ ذِكۡرَكَ
4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
فَإِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرًا
5. Hubaal dhibka waxaa la socda faraj.
إِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرٗا
6. Waxaa hubaal dhibka la socda faraj.
فَإِذَا فَرَغۡتَ فَٱنصَبۡ
7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرۡغَب
8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
مشاركة عبر